Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka Baarlamanka Hirshabeelle oo maanta la dooranayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada Baarlamanka Hirshabeelle, ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Arbaco ah Jowhar ku doortaan Guddoonka cusub ee Baarlamanka labaad ee Maamulkaasi.

Musharrixiinta u tartamaya Xilka Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle iyo ku xigeennadiisa, ayaa Talaadadii Shalay xildhibaannada u jeediyay khudbado ku saabsan Barnaamijkooda siyaasadeed ee u qorshaysan haddii la doorto.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamanka, waxa u sharraxan laba mudane oo kal ah; Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir, halka Guddoomiye ku xigeenka kowaad ay u sharraxan yihiin Siraaji Sheikh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Hirshabeelle, waxaa u tartamaya Mahad Xassan Cusmaan iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horay u soo noqotay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Hirshabeelle.

PUNTLAND POST

The post Guddoonka Baarlamanka Hirshabeelle oo maanta la dooranayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this