Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Amniga Galmudug oo Taageero Weydiisatay Saafaaradda Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo uu wehlinayay wasiirka qorsheynta maamulkaas oo maalmahaan ku suggnaa Muqdisho ayaa maanta xarunta  Safaaradda Maraykanka waxaa ay kula kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Xubnaha  ay la kulmeen wasiirka iyo wafdigiisa ayaa  Mareykanka  u qaabilsan Barnaamijka Dembi baarista (CIP), xafiiska UNODC iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ay kala hadleen sidii Galmudug loogu tababar lahaa waaxda dambi barista ee Ciidamada Booliska Galmudug.

“Wasaaradda amniga Galmudug waxay soo dhowaynaysaa wada shaqayn dhex Marta Barnaamijka INL iyo xafiiska qaramada midoobay ee UNODC gaar dhinaca tababarka waaxda Dembi Baarista ee ciidamada Booliiska Galmudug oo dhowaan ay wasaaradda amnigu aasaasayso” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this