Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo heshiis la gashay shirkad dhiseyso Dekadda Hobyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa heshiis la saxiixatay shirkadda Oriental Company oo ay ku mideysan yihiin seddex shirkadood oo Turki, Ingriis iyo Soomaali isugu jira oo ku howlan dhismaha Dekedda Hobyo.

Heshiiska waxaa dhanka Galmudug u saxiixay Wasiirka Dekedaha iyo Kalluumeysiga, Cabdisabir Nuur Shuuriye, halka dhinaca Bariga ay u mataleen Crom LTD, Hobyo Investment LTD, Indian Ocean Holding LTD.

Xafladda saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Holman Fenwick Willan (HFW), oo ah sharikad ka shaqeysa arrimaha sharciyada badda ee UK oo kala talinaysa Sharciga Dowlad Goboleedka Galmudug

Shirkadda Oriental ee fadhigeedu yahay London ayaa heshiiskan la gashay Wasaaradda Dekedaha iyo Kalluumeysiga Galmudug ka dib shirar xiriir ah oo bilihii la soo dhaafay ay la yeesheen wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Nuur Shuuriye, ”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda Dekedaha qeyb ka mid ah.

 

1d7ecb2b-61a9-4083-ba0e-422f17242cda.jpg 1e5cc296-dc6a-4302-9b98-503872fffa5b.jpg 05db0c62-9183-457d-8546-e2b797ca14da.jpg 9d8abfea-ffcb-4b9f-89b2-0fe263e17e3d.jpg 3310f06a-e037-41f7-8a29-6214ca610271.jpg 91481117-292b-47ef-a004-ca25cf47c5b8.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this