Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka Kulan dhexmaray Wefti ka socday Ha’yada Interpeace & Hogaanka Xisbiga Waddani

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaanka Sare ee Xisbiga WADDANI ayaa Xarunta dhexe ee Xisbiga kulan kula qaatay Wafdi & Madax ka socota Hay’adda Caalamiga ah ee Interpe

IMG_4C4843-EB3D52-3F564A-41D9F3-C2C041-6
Hoggaanka Sare ee Xisbiga WADDANI ayaa Xarunta dhexe ee Xisbiga kulan kula qaatay Wafdi & Madax ka socota Hay’adda Caalamiga ah ee Interpeace. Dhanka Xisbiga WADDANI waxaa kulanka u matalayey Guddoomiyaha KMG ah ee Xisbiga ahna kusimaha Guddoomiyaha Xil Cabdilqaadir Jirde, Hoggaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mudane Khadar Xuseen, iyo Xoghayaha Gaarka ee Guddoomiyaha Mudane Cabdilqaadir Iidle.
Dhanka Wafdiga Hay’adda Caalamiga ah ee Interpeace oo ka koobnaa 6 xubnood, waxaa hoggaaminayey Dr Theo Hollander oo ah Madaxa hay’adda ee Bariga & Badhtamaha Afrika, iyo sida oo kale Mudane Ahmed Abdirahman Abdillahi oo ah Madaxa hay’adda Interpeace ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Hoggaanka Xisbiga WADDANI, waxa ay waftiga & Madaxda Hay’adda Interpeace ay si qoto dheer uga wada hadleen hannaanka geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland, sidii loo dardargelin lahaa doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada & Golayaasha deegaanka, kaalinta haweenka ee ka qeybgalka doorashada, metalaadda siyaasadeed ee Beelaha la hayb sooco, tababarada Xisbiyada iyo dhismaha Garabbada Haweenka iyo dhalinyarada ee Xisbiga WADDANI .
WhatsApp-Image-2020-11-02-at-231731-2.jp
WhatsApp-Image-2020-11-02-at-231732-1.jp
WhatsApp-Image-2020-11-02-at-231720-1.jp
WhatsApp-Image-2020-11-02-at-231726.jpeg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this