Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo howl-gal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib howl-gal qorsheysan oo ay ciidanka sida gaarka ah u tababaran Kumaandooska Xoogga dalka Danab ka fuliyeen degmada Sablaale ee gobolka Shabeelada Hoose ayay ku dileen sarkaal la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa gobollada Jubbooyinka.

Ciidamada Danab ayaa sheegay inay ka war-heleen sarkaalkaasi iyo ilaaladiisa in Sabtidii ay soo galeen degmadaasi, kadibna ay ku qaadeen howl-gal qorsheysan oo ay tilmaameen in lagu dilay isaga iyo sidoo kale 10 dagaalame oo la socotay, sida ay hadalka u dhigeen.

Magaca sarkaalkaasi ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay, Mucaad Dheere, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa maalmihii u dambeeyey kordhiyey howl-gallada & dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this