Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed oo lagu dilay Buurhakaba

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya askari tirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo askari kale maanta ku dilay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Falkan ayaa yimid, kadib markii uu labada askari soo kala dhex-galay muran iyo khilaaf sababay in mid ka mid ah la toogto.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askarigii dilka geystay, ay isna ay toogasho ku dileen ciidamadii ka agdhowaa halkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan dhacdadaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana goobta ay wax ka dhaceen gaareen saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this