Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Golaha wasiirada oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlayaa dardargelinta qorsheyaasha Xukuumadda  hortabinta u leh, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga, kordhinta dhaqaalaha, dayn cafinta, horumarinta adeegyada bulshada, Caddaaladda iyo qorshaha waxqabadka Xukuumadda ee 100-ka maalmood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ku shaqeyn doonto qorshaha horumarinta qaranka ee 9-aad iyo natiijadii ka soo baxday shirarkii madaxda Qaranku ay ku yeesheen Samareeb iyo Muqdisho.

“Barnaamijka Xukuumadda ee aad qaybta ka tihiin wuxuu ahmiyadda koobaad siinayaa qabsoomidda doorashada dalka, maadaama waddanku uu galay xilli doorasho, waxaa loo baahan yahay in si wadajir ah aan u xaqiijinno qabsoomidda doorasho daah furan isla markaana aan habacsanaan ku keenin hawlaha dowladda”.

Banbaxa Golaha Wasiirrada maanta furmay ee halku dhiggiisu yahay “Daah Furnaan iyo Doorashooyin”  ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in wasaaradaha oo dhan laga rabo barnaamijkooda in ay ka soo dhex saaraan qorshe howleedka 100 maalmood ee soo socda, taa soo lagula xisaabtami doono Wasaarad kasta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumaddiisu ay ka hortagayso wax walba oo keeni kara habacsanaan ku yimaada howllaha dowladda xiliga doorashooyinka, si taas looga hortagana golaha wasiirrada laga rabo  in si miisaan leh  u fuliyaan howlaha kaga aaddan doorashooyinka iyo waajibaadkooda  shaqo ee kale.

Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada oo soconaya muddo saddex cisho ah ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Golaha kula dardaarmay in ay hirgeliyaan qodobada saldhigga u ah barnaamijka Xukuumadda ee golaha shacabku ansixiyeen.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

1-5-696x464 1-5-696x464-1 2 3 4

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this