Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay yihiin ciidamada cusub ee loo diyaariyey degmada Baraawe?

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Koonfur Galbeed ayaa diyaarisay ciidamo cusub oo la qorsheynayo in maalmaha soo socda la geeyo magaalada Baraawe ee caasimadda maamulkaasi oo ay ka dhici doono doorashada xildhibaanada 2 aqal ee Soomaaliya.

Ciidamada la geynayo Baraawe ayaa isugu jira Daraawiish iyo Booliis, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in askartaas lagu biirin doono ciidamada haatan ku sugan Baraawe, si ay xoojiyaan amniga guud ee magaallo xeebeedkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in si gaar ah ay uga howl-geli doonaan goobaha ay ka dhacayaan doorashada xildhibaanada ka soo gelaya baarlamaanka Baraawe.

Lama shaacin tirada askarta ay Koonur Galbeed geyneyso halkaasi, sidoo kalena lama oga halka laga soo qaadayo ciidamadaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo horey waxgaradka Baraawe ay madaxweyne Lafta Gareen uga dalbadeen ciidamo dheeraad ah oo suga amniga degmadaasi.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorashooyinka 2020/2021, iyada oo ay ugu horreyso soo xulista xildhibaaada oo ka dhici doonto magaalooyin dhowr ah.

The post Maxay yihiin ciidamada cusub ee loo diyaariyey degmada Baraawe? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this