Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay dalka Austria

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska waddanka Austria ayaa weli waxa uu baadigoobayaa ugu yaraan hal qof oo eedaysane ah kaddib markii dhowr toogasho ay ka dhacday bartamaha magaalada Vienna ee caasimadda waddankaasi.

Laba qof ayaa dhimatay 14 qof oo kalana waxaa lagu dabiibay isbitaalka kaddib markii dhowr nin oo boobayaal watay ay rasaas ku fureen lix goobood oo kala duwan.

Weerrarada ayaa waxa ay bilowdeen abaare 8-dii fiidnimo ee xalay kaddib markii nin aad u hubaysan uu rasaas ku furay dad bartamaha magaalada Vienna ku qaxwaynayay, gaar ahaan meesha loo yaqaan Bermuda Triangle.

Laba qof oo rayid ah ayaa illaa hadda la ogyahay inay dhinteen iyadoo in ka badan 10 qof la dhigay isbitaallo kala duwan oo ku yaal magaalada Vienna, dadkaas oo laga dabiibayo dhaawacyada ay rasaastu soo gaarsiisay.

PUNTLAND POST

The post Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay dalka Austria appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this