Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay khilaafka Cabdi Xaashi kala dhexeeya madaxweynaha?

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi oo wareysi gaar ah siinayey Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimo ku aadan doorashooyinka 2020 illaa 2021-ka.

Ugu horreyn guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa soo hadal qaaday khilaafka kala dhexeeyo Villa Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in saddexdii sano ee la soo dhaafay ay arrimo badan ku kala aragti duwanaayeen isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan dib u dhaca ku yimid jadwalkii lagu heshiiyey ee doorashooyinka dalka.

Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa hoosta ka xariiqay in mas’uuliyadda ay qaadi doonaan madaxdii heshiiska ku gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dhinaca kale wuxuu shaaciyey in loo baahan yahay in doorashooyinka kuraasta xildhibaanada ka soo jeeda gobollada waqooyi ee loo yaqaano Somaliland loo raaco habraacii lagu galay doorashadii sanadkii 2016-kii.

Guddoomiyaha ayaa xuay in heshiiskii doorashada laga gaaray uu ka mid ahaa in guddiga doorashada ee maamulaya kuraasta gobollada waqooyi ay xukuumadda magacowdo, wuxuuna arrintaasi uu ku tilmaamay mid wax u dhimeysa hannaanka doorasho madax banaan oo dalka ka dhacda dhamaadka sanadkan & kan xiga 2021-ka

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo aan weli lagu dhowaaqin guddiga doorashooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, waxaana sidoo kale dib u dhacay diyaarinta ergadii soo xuli laheyd xildhibaanada cusub ee BF Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this