Deeq A. Posted November 2, 2020 Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga, kuwa Koonfur Galbeed oo garab ka helaya ciidanka Itoobiya ay howlgallo ka wadaan gobolkaasi. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u fulinaya ururka 260-aad guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomalaiyeed. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in howlgalladaas laga sameeyey deegaanada Kurtooyow iyo Walaqle oo 45 KM u jira degmada Waajid ee gobolka Bakool. Abaandulaha ururka 260-aad guutada 9-aad eee qeybta 60aad oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay inay howlgalladaasi ku qaadeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahaayeen halkaasi, islamarkaana ay ku gaarsiiyeen khasaare kala duwan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan gobolka Bakool oo dhaca koonfurta Soomaaliya. Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howlgallada iyo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya View the full article Share this post Link to post Share on other sites