Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdi Xaashi oo si adag uga hadlay arrimaha doorashada 2020/21

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in loo baahan yahay doorashooyinka kuraasta xildhibaanada ka soo jeeda gobollada waqooyi ee loo yaqaano Somaliland loo raaco habraacii lagu galay doorashadii sanadkii 2016-kii.

Cabdi Xaashi oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Shabelle ayaa tilmaamay in heshiiskii la xiriiray arrimaha doorashooyinka oo ay gaareen dowladda federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir aysan ka qeyb-gelin siyaasiyiinta metalaya gobollada waqooyi, islamarkaana loo baahnaa inay metalaad rasmi ah ku yeeshaan.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in heshiiskii doorashada uu ka mid ahaa in guddiga doorashada ee maamulaya kuraasta gobollada waqooyi ay xukuumadda magacowdo, wuxuuna arrintaasi uu ku tilmaamay mid wax u dhimeysa hannaanka doorasho madax banaan oo dalka ka dhacda sanadkan 2020 illaa 2021-ka

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa sidoo kale intaasi ku daray in uu soo magacaabi doono isagu guddiga maamulaya doorashooyinka xildhibaannada gobollada waqooyi.

Shalay ayey aheyd markii uu warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha ku sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay isku dayeyso inay magacowdo guddigaan, iyada oo la tashaneysa siyaasiyiinta gobollada waqooyi, laakiin wuxuu caddeeyay haddii tallaabadaas la qaado ay dhaawac ku tahay hannaanka madax banaanida doorashada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this