Sign in to follow this  
Deeq A.

G/Banaadir oo ka warbixiyay saameynta roobkii ka da’ay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka gobolka Cumar Cali Cabdi iyo xubno kale ayaa kormeer ku tagay guryo ku yaalla caasimadda oo xalay ay galeen biyahii ka hooray roobkii xalay ka da’ay. Muqdisho.

Gudoomyiha oo la hadalay warbaahinta ayaa sheegay in gurmad ay u sameeyen qoysas danyar ahaa o ku nool xaafada qaar ee gobalka Banaadir kuwaasi uu sameeyay roobkii xalay da’ay, isla markaana guryihii ay daganaayeen ay biyo farabadan ugu galeen.

Waxaa uu sheegay guddoomiye kuxigeenka Howlaha guud ee maamulka in Roobka inta uu da’yay uu dumay guri ku yaalla dagmada Howlwadaag, lagana soo badbaadiyay dadkii ku sugnaa, uuna jirin wax khasaaro nafeed ah uu gaystay Roobka. Wuxuuna intaa sis ii raciyay in sidoo kale ay bilaabi doonaan sidii biyaha looga saari lahaa waddooyinka, dadka wax haysta ayuu ugu baaqay inay gargaar gaarsiiyan dadka masaakiinta ah ee roobka uu sameeyay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this