Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Koonfur Galbeed oo howlgallo ka wada Qansaxdheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa howl-gallo ballaaran ka wada degmada Qansaxdheere iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolka Baay.

Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa ujeekooda waxa uu yahay kuwa lagu xaqiijinayo amniga guud, sida uu Shabelle u sheegay guddoomiyaha maamulka degmada Qansaxdheere, Cabdirisaaq Cabdi Ibraahim oo shalay ka bad-baaday qarax lala eegtay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qorshahooda uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada iyo tuulooyinka hoos yimaada degmadaasi.

 

 

 

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ayaa weeraro culus ka fuliya labadaasi gobol oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this