Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Armenia Oo Gurmad Ka Dalbatay Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Armenia)-Raysal wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa codsigan u diray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Dowlada Armenia oo ay maalmihii lasoo dhaafay khasaare baaxadleh kasoo gaadhay dagaalka ay kula jirto ciidamada Azerbaijan ayaa hadda soo saartay baaqan ay gurmadka deg deg ah uga dalbaneyso Dowlada Ruushka oo uu kala dhaxeeyo iskaashi Millatari.

Ciidamada Azerbaijan ayaa la wareegay qeybo badan oo kamid ah dhulka ku hareeraysan gobalka la isku heysto ee Nagorno-Karabakh oo ay hore gacanta ugu heysay Armenia, dhulkaasi oo loo aqoonsan yahay wadanka Azerbaijan ayaa dadka degen asal ahaan kasoo jeedaan Armenia.

Waxaa toddobaadkan burburay xabad-joojintii sadexaad ee labada dhinac la dhex dhigay, kadib markii Azerbaijan ay ku eedaysay ciidamada Armenia inay ka danbeeyeen duqeyntii lala beegsaday Arbacadii lasoo dhaafay magaalada Barda ee wadanka Azerbaijan oo ay ku dhinteen dad badan.

Ruushka oo heshiis millatari kala dhaxeeyo Armenia ayaa sidoo kale xidhiidh wnaaagsan lalahe Azerbaijan, wuxuuna Putin ka gaabsaday illaa iyo hadda inuu faraha lasoo galo dagaalkan, Armenia ayaa ku doodeysa in Azerbaijan ay taageero millatari ka helayso Turkiga iyo waliba maleeshiyaad laga keenay dalalka Carabta waa siday hadalka u dhigeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this