Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyey Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey fariisimo Al-Shabaab ay ku lahaayeen gobolka Sh/Hhoose, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Leego oo qiyaastii 44 KM kaga beegan dhanka waqooyi ee degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi.

Sidoo kale waxaa howlgalkan hor-kacayey ururka afaraad ee guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab iyo ururka 64-aad ee guutada todobaad qeybta lixdanaad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay halkaasi ku burburiyeen goobo fariisimo u ahaa ururka Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay sidoo kale saraakiisha intaasi ku dareen inay gacanta ku soo dhigeen Mootooyin ay ku sheegeen inay fulin jireen qaraxyada miinooyinka.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this