Sign in to follow this  
Deeq A.

Is-rasaaseyn khasaare geysatay oo ka dhacday magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad khasaare geystay oo saaka aroortii hore ka dhacay agagaarka isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Is-rasaaseynta ayaa timid, kadib markii ay rag hubeysan oo ka degtay Mooto ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan nabad sugida Soomaaliya oo ku sugnaa halkaasi, waxaana xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay dagaalkan, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ah raggii weerarka qaaday gacanta lagu dhigay, isaga oo dhaawac ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska oo howl-gal ka sameeyey halkaasi, iyaga oo gacanta ku dhigay tiro dad ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan shaqaaqadaasi.

Inta badan ayaa waxaa Muqdisho ka dhaca falal liddi ku ah amniga, sida weeraro, qaraxyop iyo dilal qorsheysan intaba.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this