Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ku simaha duqa Muqdisho oo dhagax dhigay waddo cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda mudane, Axmed Xasan Iimaan ayaa dhagax dhiggay waddada isku xirta Ex hotel Shabeelle siina marta afaafka hore ee beerta nabadda illaa isbitaalka Martiini.

Waddadan oo aan dayactir helin 30kii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa ay muhiim u tahay isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Dhagax dhigidda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka howlaha guud mudane Cumar Cali Cabdi iyo arrimaha bulshada Marwo, Basma Caamir Axmed (Jakeetti),

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dardar gelinaya dib u dhiska waddooyinka caasimadda si dib loogu soo celiyo bilicdii ay lahaan jirtay caasimadda dalka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

ku-simaha.jpg1_.jpg

ku-simaha.jpg2_.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this