Sign in to follow this  
Deeq A.

Hirshabeelle oo magacowday Guddiga heer dowlad goboleed ee Doorashada Dadban

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16039900869651376.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay 8-da xubnood ee Guddiga heer dowlad goboleed ee Doorashada Dadban

Guddigan oo saddex xubnood haween yihiin ayaa ka shaqeyn doona doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka dhacaysa Jowhar iyo Baladweyne oo wadartoodq guud tahay 38 kursi.

Guddiga uu Waare magacaabay waxaa wehelin doona 3 xubnood oo ka iman doona federaalka, sida ku cad bayaankii ay ku heshiiyeen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Bayaankii ay ku heshiiyeen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waxaa ku caddaa in guddiyada labada heer ee doorashada la magacaabo inta u dhaxaysa 10-ka ilaa 20-ka October, base wakhtigaas ayaa la soo dhaafay.

Ma jirto cid weli ka hadashay dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashada Soomaaliya ee 2020/2021.

Hoos ka akhriso Guddiga Doorashada Dadban ee Hirshabeelle

FB_IMG_16039891876055770.jpg?resize=675%

PUNTLAND POST



The post Hirshabeelle oo magacowday Guddiga heer dowlad goboleed ee Doorashada Dadban appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this