Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar Toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay gudaha Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   
2-18.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Booliska waddanka Faransiiska, ayaa laga soo xigtay, in qof ku hubeysnaa toorreey uu saddex ruux ku dhex dilay kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalkaasi.

Guddoomiyaha degmada Nice, Christian Estrosi, oo si adag  weerarkaas uga hadlay, islamarkaana  ku tilmaamay mid argagixiso, ayaa sheegay in haweeney ka mid aheyd saddexda ruux la helay iyadoo gowracan.

Mr Christian Estrosi, ayaa sidoo kale xusay  in weerarka uu ka dhacay gudaha kaniisadda Notre Dame ee magaalada Nice.

Ninka weerarka geystay oo aanan weli la ogaan heybtiisa, ayaa la dhigay isbitaal, kaddib marki ay dhaawaceen ciidamo boolis ah, kuwaas oo markiiba  gacanta ku dhigay.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay, xilli ay caro xooggan ka dhalatay hadalkii gefka ahaa ee Madaxweynaha Faransiisku ku tilmaamay Nebi Muxamed NNKH, hadalkaas oo ka caraysiiyay muslimiin badan.

PUNTLAND POST

The post Weerar Toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay gudaha Faransiiska appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this