Sign in to follow this  
Deeq A.

Isku Aadka AFCON U20 iyo AFCON U17 Oo La Sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Arbacadii la soo dhaafay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa lagu sameeyay isku aadka isreebreebka AFCON U20 iyo AFCON U17 ee CECAFA.

IMG_554147-746FBA-1B07D8-A58104-B18EEF-8

Ciyaaraha isreebreebka AFCON U-20 waxaa lagu qaban doonaa Tansaaniya 22ka Nofeembar ilaa 6da Diseembar, halka isreebreebka U-17 uu ka dhici doono Rwanda laga bilaabo 13ka Diseembar-28ka Diseembar, sida ay sheegeen guddiga CECAFA.

9444c721bfc44a9b1a419e7272f8c654-1024x57

Tartanka 17-jirada AFCON waxaa ka qeyb galaya ilaa sagaal dal oo kala ah Ereteriya,Koonfurt Sudan,Ruwanda,Uganda,Itoobiya,Kenya,Sudan,Jabuuti iyo Tansaaniya.

61ow-bKGj4L._AC_SL1300_-1024x625.jpg

Sagaalkaas dal waxaa loo kala qeybiyay ilaa sadex group oo kala ah Group A waxaa ku jira Ruwanda,Ererteriya iyo Koonfurta Sudan.

Sequence-04.00_05_10_02.Still003-1024x76

Group B waxaa ku jira Uganda,Itoobiya iyo Kenya,halka Group C ay ka soo muuqdeyn dalalka kala ah Jabuuti,Sudan iyo Tansaaniya.

Sequence-04.00_05_34_07.Still002-1024x76

Soomaaliya ayaa ciyaari doonta 20 jirada oo 11 dal ay ku tartami doonaan,Soomaaliya waxaa lagu soo daray guruubka A oo ay ku jiraan Tanzania, Rwanda iyo Djibouti, halka Burundi, Eritrea, Koonfurta Sudan iyo Uganda ay ku jiraan guruubka B,halka Ethiopia lagu soo daray guruubka C oo ay la jiraan Kenya iyo Sudan.

pict-african-state-flags-clip-art-design

Sida laga soo xigtay CECAFA, jadwalka labada dhacdo oo dhameystiran oo leh taariikhaha iyo waqtiyada dhamaan kulamada ayaa la soo saari doonaa isla marka uu xaqiijiyo xiriirka kubbadda cagta Afrika

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this