Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka wada degmada Caabudwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Booliiska Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad ay howl-gallo ballaaran ka wadaan degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi.

Howl-gallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu xaqiijinayaa amniga magaaladaasi oo uu habeen hore ka dhacay weerar lagu dilay dad shacab ah.

Sidoo kale waxaa maanta Caabudwaaq qaaray wafdi isugu jira xildhibaano & wasiiro, kuwaas oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Galmudug.

Wafdigan ayaa la filayaa in ay ka qeyb-qaataan dadaallada lagu sugayo amniga, laguna xasilinayo degmadaasi.

Galmudug ayaa horey bandow ugu soo rogtay magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, si looga hortago falalka ammaan darri ee ka dhaca halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this