Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo ka horyimid in Ngozi Okonjo loo magacaabo Agaasimaha Hay’ada Ganacsiga Aduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

 Qorshihii ahaa in Wasiirkii hore ee Maaliyadda Nigeria loo magacaabo Agaasimaha hay’adda Ganacsiga Adduunka ee WTO, ayaa meesha ka baxay, kadib markii Mareykanku ka hor yimid qorshahaas.

Arbacadii Shalay, ayaa 164 xubnood oo ururkan go’aamiyeen in Ngozi Okonjo-Iweral ay noqoto madaxa hey’adda WTO, taas oo noqon lahayd haweeneydii ugu horraysay ee Afrikaan ah oo hoggaamisa.

Mareykanka oo WTO si weyn ugu dhaliilsan sida ay u maareyso Ganacsiga Adduunka, ayaa doonaya in hey’adda loo dhiibo gabar Koofur Kuuriyaan ah oo la yiraahdo Yoo Myung-hee, taas oo ay aaminsan yihiin in isbedel ku sameyn karto WTO.

Wakiilka Mareykanka ee WTO oo qoraal soo saaray, ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu ku taliyay in siyaasadda ganacsiga ee ururka isbedel lagu sameeyo, isla markaana loo baahan yahay qof si dhab ah u hogaamiya, kaas oo leh waaya-aragnimo fiican.

Hase yeeshee, qoraalka ka soo baxay Mareykanka laguma xusin magaca gabadha reer Nigeria ee Okonjo-Iweala.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo ka horyimid in Ngozi Okonjo loo magacaabo Agaasimaha Hay’ada Ganacsiga Aduunka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this