Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiir Beyle oo ka qeybgalay shirweyne caalami ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta Aaladda fogaan aragga uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Bankiga Adduunka oo looga hadlayay halka uu marayo dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa yiri “Waxaa aan maanta ka qeybgalay shirka sanadlaha Bangiga Aduunka oo Ajandihiisu uu ahaa “halka uu marayo dhaqaalaha Soomaaliya” (Somalia Economic Update) oo sanadkaan aan diiradda ku saarnay saameynta dhaqaale ee Coronavirus”.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xusay in dib-u-habeynta iyo hufnaanta Maaliyadda Soomaaliya ay horseeday in Caalamku uu Soomaaliya garab istaago xiligaan adag ee lagu jiro hoos-u-dhaca dhaqaale.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay xoojiso isbadalka iyo Hufnaanta Maaliyadda Soomaaliya”. Ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Wasiir Beyle.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Somali.jpg Wasiir-Beyle.jpg Wasir-ka-maaliyadda.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this