Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Oo Si Aan Laga Fileyn Uga Falceliyey Gefkii Ay Faransiiska U Gaysteen Nebiga NNKH

Recommended Posts

Deeq A.   

Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay sawir gacmeedyada loogu gefayo Nebi Muxamed NNKH, hase yeeshee waxay ka gaabsatay inay xoojiso baaqyada dalalka kale ee Islaamka ee lagu doonayo in lagu qaado ficil ka dhan ah sawirrada lagu soo bandhigay Faransiiska ee loola jeedo Nebiga NNKH.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa sidoo kale bayaan ku sheegay in Riyadh ay cambaareyneyso dhammaan ficillada aragagixisada, ayada oo ay u muuqato in la tixraacayo macallin lagu gowracay magaalada Paris kadib markii uu sawir gacmeed lgu sheegay Nebiga NNKH uu kusoo bandhigay fasalka, isaga oo cuskanaya xoriyadda hadalka.

“Xoriyadda hadalka iyo dhaqanka waa inay tusaale u noqdaan xushmad, dulqaad iyo nabad lagu diido ku dhaqanka ficillada naceybka, rabshadaha iyo xagjirnimada kasoo horjeeda wada-jirka,” ayaa lagu yidhi bayaanka ay baahisay warbaahinta dowladda.

Wargeyska Arab News ee Sacuudiga ayaa Talaadadii kasoo xigtay madaxa Ururka Dalalka Islaamka ee fadhiggiisu yahay Sacuudiga Mohammed Al-Issa inuu ka degay fal-celin xad dhaaf ah, taasi oo uu ku sheegay “mid taban oo ka baxsan waxa la aqbali karo,” islamarkaana faa’iido u ah kaliya “kuwa wax neceb”.

Sawir gacmeedyada lagu matalayo Suubanaha NNKH ayaa waxaa markii ugu horreysay sameeyey wargeys Faransiis ah, kaasi oo xafiisyadiisa ay 2015-kii weerareen dabley Islaamiyiin ah, kuna dileen 12 qof. Wixii ka dambeeyey gowraca macallinka, sawiradaas ayaa lagu soo bandhigay Faransiiska ayada oo isaga taageero loogu muujinayo.

Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in la qaadaco badeecadaha Faransiiska, halka baarlamanka Pakistan uu meel mariyey qaraar ku boorinaya dowladda inay u yeedho safiirkeeda Paris.

Gudaha Sacuudiga, qaadacaad ka dhan ah badeecadaha Faransiiska ayaa aad looga hadal hayey baraha bulshada, hase yeeshee Reuters ayaa werisay in Isniintii magaalada Riyadh ay walba caadi u muuqdeen.

REUTERS

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this