Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo shaacisay qodobo muhiim u ah doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilada xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya ayaa waxaa ay madaxda Sare ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ku cadaadinayaan saddex qodob oo muhiim u ah Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Qodobada ayaa waxaa ay kala yihiin, in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay dardar geliyaan wada-tashiyada la xiriira dhanka doorashooyinka si loo helo doorasho si hufan ku dhacda.

In Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboledyada looga baahan yahay inay ilaaliyaan qoondada Haweenka 30% ee Baarlamaanka labadiisa Aqal oo doorashadooda dhawaan la qabanayo.

Iyo in si guud iyo mid gaar ah looga wada Shaqeeyo sugida Amniga si dadka Soomaaliyeed nabad ugu noolaadaan, isla markaana dalka uu u gaaro horumar ballaaran.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa wadatashiyo & wada-hadallo la bilaabay maamul goboleedyada, waxaana ay shalay magaalada Dhuusamareeb booqday oo la kulmay Madaxweynaha Galmudug Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya Amb James Swan oo ay wehlinayeen, Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira, Kuixgeenka Wakiilka Midowga Yurub Nicole Miller, & Madax Ergada IGAD ee Somalia Jamaal Axmed Ibraahim.

War-Saxaafadeed goor sii horeysay ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa dhowr jeer loogu baaqay Madaxda Dowladda & dowlad goboleedyada inay si nabdoon uga wada qeyb qaataan arrimaha la xiriira doorashooyinka Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa doneysa in hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay si wada ogol ah door ugu yeeshaan Arrimaha doorashooyinka, waxaana dhowr jeer ay u qabatay shirar kala duwan oo looga hadlayay Arrimaha doorashada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this