Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar ay Daacish doonaysay in ay ka fuliso Boosaaso oo la fashiliyay

Recommended Posts

Deeq A.   
1-28.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1Kani waa Sawir hore

Ilaalada gaarka ah ee Duqa degmada Boosaaso, Cabdisalaan Bashiir Cabdi Salaan, ayaa xalay fashiliyay weerar qorshaysan oo la doonayay in lagu qaado Gurigiisa, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Booliiska Gobolka Bari.

Dabley hubaysan oo ka tirsan Kooxda Daacish, islamarkaana doonayay in ay weerarka fuliyaan ayaa midkood oo dhaawac qaba gacanta lagu dhigay halka intii kalena ay goobta isaga carartay sida ay sheegeen Saraakiisha Booliiska.

Wararku waxay sheegayaan, in ruuxa la qabtay uu isku dayay in uu baxsado, xilli lagu dabiibayay isbitaal ku yaalla gudaha Boosaaso, balse aysan u suurta-gelin, maadaama ay ilaalo ka hayeen Ciidanka Booliisku.

Amniga Boosaaso ayaa isbeddel weyn laga dareemay tan iyo bilowgii sannadkan, kadib hawlgallo xiriir ah oo ay halkaasi ka sameeyeen Laamaha kala duwan ee Ciidamada, oo kaashanaya hay’adaha Sirdoonka Puntland.

PUNTLAND POST

The post Weerar ay Daacish doonaysay in ay ka fuliso Boosaaso oo la fashiliyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this