Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Magacyada iyo beelaha xildhibaanada cusub ee HirShabeelle oo lagu dhawaaqay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Waxa goordhoweyd magaalada Jowhar si rasmiya looga dhawaaqay liiska xildhibaanada baarlamaanka 2-aad ee HirShabeelle, iyada oo soo xulista xubnahaasi uu weli ka taagan yahay muran xoogan.

Guddiga farsamada ee maamulkaasi ayaa shaaciyay liiska 90 xildhibaan, kuwaasi oo iskugu jiray xubno cusub oo kamid yihiin wariyeyaal iyo kuwo hore ugu jiray baarlamaankii hore ee maamulkaasi.

Munaasibadassi loogu dhawaaqay liiska xubnahan cusub ayaa gebi ahaanba waxa ka maqnaa wakiiladii dowladda federaalka iyo weliba dhinacyadii maamulka ee hore u diidana soo xulistan.

Waxaana liiska caawa lagu dhawaaqay magacyadooda gebi ahaanba laga waayay xildhibaano caan ahaa oo hore xilal sare uga soo qabtay maamulka HirShabeelle.

Guddiga farsamada ee liiskan shaaciyay ayaa waxaa hore uga horyimid madaxweyanaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare, oo muddoo xileedkiisu uu ka idlaaday 17-kii bishan October.

Waare ayaa ku doodayay inuu soo dhamaystirayo guddiga farsamada, isla markaana aysan xiligan qaban karin doorashada baarlamaanka ay caawa ku dhawaaqeen.

Sida xogo soo baxaya ay daaha ka qaadayaan soo xulista xildhibaanadan ayaa waxa gacan weyn ka geystay xubno ay kamid yihiin; Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo Wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi oo iyagu xiligan ah sii-hayayaasha xilalkaasi, maadama xukuumadoodii uu ka dhamaaday muddo xileedkeedii.

Ku dhawaaqista liiska xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee HirShabeelle ayaa uga sii dareysa xiisada ka taagneyd soo xulista xildhibaanadaasi, lamana oga mowqifka ay dowlada federaalka ka qaadan doonto arrintan.

Hoos ka aqriso liiska magacyada xildhibaanada cusub
20201027637394166268879366.jpg 20201027637394166777694937.jpg 20201027637394167062708829.jpg 20201027637394167590384651.jpg

The post Aqriso: Magacyada iyo beelaha xildhibaanada cusub ee HirShabeelle oo lagu dhawaaqay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this