Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil Oo Haddiyad Yaab Leh Sudan Ugu Beddeshay Xidhiidhka Ay La Yeelatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraal kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay inay Sudan u direyso qamadi qiimahiisa lagu sheegay shan milyan oo dollar.

Dowladda Sudan ayaa isku diyaarineysa iney dib usoo celiso xidhiidhkii diblomaasi ee kala dhaxeeyay xukuumadda Israa’iil, waxeyna ka mid noqotay tiro waddamo ah oo ka tirsan ururka Jaamacadda Carabta oo aqbalay xidhiidhka Yahuudda.

Wafti ka socda labada waddan ayaa kulmi doona dhawaa,n sida war qoraal ah lagu shaaciyay toddobaadkii lasoo dhaafay, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli Sudan ay wajaheyso cunno yari baahsan.

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu waxaa lagu sheegay inay xukuumaddiisa ka qeyb qaadaneyso isbadalka cusub ee Sudan.

Dowladda Sudan waxey aqbashay xidhiidh ay la sameyso Israa’iil iyadoo ku badalaneysa in laga saaro liiska wadamada argagixisada maalgaliya oo ay Mareykanka horay ugu dareen.

Donald Trump ayaana sidii uu ballan qaaday ka saaraya, sidoo kalana lacago ugu deeqaya dowladda Suudaan oo ka hoos baxday xukunkii millatariga oo uu hogaaminayay Cumar Xasan Al-Bashiir

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this