Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Turkiga Oo Ku Baaqay In Aan La Iibsan Baddeecadaha Laga Keeno Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Iyadoo uu sii xumaanayo xidhiidhka Dowladdaha Turkiga iyo Faransiiska ayuu madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxaa uu dadkiisa ku booriyay in ayna iibsan baddeecadaha lagu sameeyo dalka Faransiiska.

Farriin teleefishinka uu u mariyay shacabkiisa ayuu ku sheegay madaxweyne Erdogan dadkiisa in ayna iibsan Alaabaha lagu sameeyo dalka Faransiiska, isaga oo dhinaca kalana dunida muslimka ugu baaqay in ay difaacaan dadka musliimta ah haddii ay dowladda Faransiisku isku deydo dacdiyo ka dhan ah dadkaas

Dowladda Turkiga ayaa si cadho leh uga jawaabtay hadalka kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ku aadan difaacidda fikradaha cilmaaniga.

Wuxuu hadalka Erdogan imaanayaa kaddib markii dhawaan la dilay macalin Faransiiska u dhashay oo ardeydiisa tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed NNKH, madaxweyne Macron wuxuu horraantii toddobaaadkan sheegay in ‘ Faransiiska aanu is dhiibi doonin”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this