Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaabiis Ka Baxsatay Xabsiga Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa jeelka magaalada Laascaanood laga baxay saddex maxbuus oo hore dilal geystay.


Maxaabiista lala baxay oo ahaa rag boolis ah ayaa laba cisho ka hor laba nin dilay.

Dilka loo haysto nimankan ayaa yimi mar ay eryanayeen rag magaalada khamri soo gelinayay sida ay ii sheegeen maamulka gobolku, halkaas oo ay ku dhinteen laba ka mid ah raggii khamriga wadey.

Rag hubaysan oo ciidanka Somaliland ka tirsan balse ay isku hayb yihiin nimanka xidhnaa ayaa maanta saldhiga kala baxay.

Taliyihii ciidanka saldhiga haystay ayaa isna galabta la xidhay iyadoo lagu eedaynayo inuu qayb ka ahaa qorshaha saldhigaga lagagala baxay askartii maxaabiista ahayd.

Ciidanka la baxay maxaabiista ayaa qorshohooda la sheegayaa inuu yahay in ay gacanta ka geliyaan nimankan beelihii ay kasoo jeedeen nimankii ay dileen si aan colaadi dhexdooda uga bilaabmin.

Xigasho Weriye Sidiiq Burmad

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this