Deeq A. Posted October 27, 2020 Munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu dhaariyay guddoomiyayaasha maxkamadaha mobalada & ku xigeennada Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug oo dhawaan uu magacaabbay Madaxweynaha Galmudug. Xeer-ilaaliyaha Guud, iyo Hanti-dhowrka Guud ee Galmudug, xubno katirsan labadda gole ee dowladda iyo dhammaan howl-wadeennada caddaaladda. Madaxweynaha maamulka galmudug axmed cabdi kaariye (Qoor Qoor) ayaa ugu baaqay hay’adaha garsoorka maamulka in ay kashaqeeyaan cadaalad ay helaan shacabka reer Galmudug isaga oo boggaadiyey xubnaha cusub ee hay’adda garsoorka, Waxaana sidoo kale uu faray in ay xilkooda u gutaan si daacad ah oo ay ku jirto danta dalka iyo dadka, ayna ka hormariyaan danta guud middooda khaaska ah. Madaxweynaha ayaa sidoo kale amray dhamaan laamaha amniga iyo hay’adaha dowliga ah in ay si dhaw ula shaqeeyaan garsoorka, isagoo qiray in aysan jirin cid sharciga ka sareysa , sharciga hortiisana loo wada siman yahay View the full article Share this post Link to post Share on other sites