Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaggee ku dambeeyeen ganacsatadii la soo shirtay Al-Shabaab ee la xiray?

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa nabad sugida ay xabsiga ka sii daayeen rag ganacsato ah oo dhowaan lagu xiray Beledxaawo.

Ganacsatada la xir-xiray oo muddo xabsiga ku jiray ayaa waxaa lagu eedeeyey inay tageen deegaanka Ceel-Cadde, islamarkaana ay kula soo shireen Al-Shabaab.

Mid ka mid ah waxgaradka gobolka Gedo oo lagu magacaabo Nabadoon Idiris  Maxamed Axmed, islamarkaana la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in la sii daayey ganacsatadaasi oo maalmihii dambe ku xirnaa magaalada Beledxaawo ee gobolkaasi.

Nabdoonka ayaa sheegay in dadaallo ay sameeyeen waxgaradka deegaanka, kadib la sii daayey ganacsatadaasi oo caan ka ah gobolka Gedo.

Ragga la xiray ayuu tilmaamay inay Al-Shabaab ugu tageen, sidii loogu soo deyn lahaa gawaari ay ka xiyireen, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka degmada Beledxaawo oo ku aadan arrintaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay in loo cadaalad doonto Al-Shabaab ama lala macaamilo, iyada oo ay jiraan dad horey loogu xiray inay u tageen Al-Shabaab.

The post Xaggee ku dambeeyeen ganacsatadii la soo shirtay Al-Shabaab ee la xiray? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this