Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Gaafow oo ka hor-yimid sharci โ€˜halis ahโ€™ oo la horgeeyey BF una yeeray NISA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii maanta akhrinta labaad marsiiyey hindise sharciyeedka โ€˜Adeegyadda Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeedโ€™ kaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda beeraha Soomaaliya.

Xubnihii ka hadlay kulanka markii laga doodayey sharcigaas waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdullahi Gaafow Maxamuud, oo sharcigan ku tilmaamay mid dhib-badan oo wasaaradda soo diyaarisay aysan ka tix-gelin dhanka ammaanka Qaranka.

โ€œShircigaan waa mid dhib badan qolada ka soo shaqeysana, ma aysan tix-gelin dhibaatada amniga uu ku hayo ee walxaha lagu bacrimiyo beeraha ee dalkeenna la keeno,โ€ ayuu yiri Taliyihii hore ee NISA Xildhibaan Cabdullahi Gaafow.

Waxa uu sheegay inay habooneed in wasaaraddu ay heyโ€™adaha nabad-geliyaha la kaashato dhibka ay ku qabaan, sida laga yeelayo kiimikada beeraha lagu bacrimiyo oo waxyabaha qarxana laga sameeyo.

โ€œIn kiimikadaas dalka laga mamnuuco ayey aheyd, ama gacan amni ah lagu haayo, maadaama aan laga maarmi karin bacriminta,โ€ ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Waxa uu sheegay in dekedda weyn ee Muqdisho laga soo dejiyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada ka dhaca dalka ee Al-Shabaab farsameeyaan.

Sidoo kale Xildhibaan Gaafow ayaa soo jeediyey in loo yeero heyโ€™adda NISA, si wax looga weydiiyo kiimikooyinka beeraha lagu bacrimiyo, qaraxyadana laga sameeyo ee dalka la soo geliyo.

โ€œArinaga waxay ila tahay in loo yeero heyโ€™adda NISA ee la weydiiyo waxay kala socoto maadooyinkaan dhibaatada faraha badan dalka ku haya ee qaraxa laga sameeyo, iyadoo waxyaabahaas la is waafajina ma qabo in sharcigan la ansixiyoโ€ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Xildhibaan Cabdullahi Gaafow Maxamuud oo horay Taliye uga soo noqday heyโ€™adda NISA.

Hoos ka Daawo

The post Daawo: Gaafow oo ka hor-yimid sharci 'halis ah' oo la horgeeyey BF una yeeray NISA first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this