Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Ka Socda Golaha Shacabka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha shacabka ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay kulan ku yeelanayaan xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, iyagoo uga  doodayo sharciyaal dhowr ah.

Ajendaha ayaa waxaa lagu sheegay:  Akhrinta labaad ee H/Sh adeegyadda baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed, Akhrinta labaad ee H/Sh Dhismaha hey’adda diiwaangalinta iyo Bixinta Aqoonsiyada dadweynaha iyo u codeyta Sharciga Hantidhawraha guud ee dawladda.

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ayaa maalin kahor ansixiyay golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana weli horyaallo golaha sharciyo dhowr ah, tii oo ay jirto in waqtiga ka himman in doorasho loo dareero ay dhowdahay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this