Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar ku billowday qaraxyo oo ka dhacay degmada Qansaxdheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinod dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar ay Al-Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Weerarka oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa lagu ekeeyey saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka kadib uu dagaal toos ah dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab, islamarkaana lagu baahiyey baraha Internet-ka ayaa waxaa lagu sheegay inay weerarkaasi ay ku dileen sarkaal lagu magacaabi jiray, Cali Mad Yerow, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay intaasi inay dhaawaceen sarkaal kale oo ay magaciisa ku sheegeen Xasan Eyloow iyo saddex askari oo kale.

Dhanka kale ma jiro weli wax faah faahin ah oo saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ka bixiyeen dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa gudaha demada Qansaxdheere iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolka Baay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this