Sign in to follow this  
Deeq A.

3 qodob oo xasaasi ah oo looga hadlay kulankii dhex maray Qoor-Qoor iyo Xijaar

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta barqanimadii gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa markii uu gaaray Dhuusamareeb waxa uu madaxtooyada kulan kula qaatay madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo si weyn ugu soo dhaweeyay xarunta maamulkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Qoor-Qoor iyo taliye Xijaar ayaa ka wada-hadlay qorshe dhawaan dib u habeyn loogu sameyn doono ciidamada booliska Soomaaliya ee ka howl-gala deegaanada Galmudug.

Sidoo kale waxa kulankaasi looga hadlay sugida amniga ee deegaanada Galmudug, gaar ahaan goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka labada Aqal iyo weliba dar-dar gelinta howl-gallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka Booliiska ayaa la filayaa inta uu ku sugan yahay xarunta Galmudug inuu soo kormeeri doono xarumaha ciidamada ammaanka ee deegaanada Galmudug iyo goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka ee maamulkaasi.

Wuxuuna dhawaan booqan doona taliyuhu xarumaha maamul goboleedyada kale ee dalka, sida Hir-Shabeelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland, kadib marka uu soo idleeyo safarkiisa Galmudug.

Soomaaliya ayaa dhowaan isku diyaarineysa qabsoomida doorashooyinka soo socda ee 2020/2021 oo heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho, isla markaana iskugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

The post 3 qodob oo xasaasi ah oo looga hadlay kulankii dhex maray Qoor-Qoor iyo Xijaar first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this