Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Hargeysa oo xukun ku riday Bilal Bulshawi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa xukuntay in la musaafuriyo wiil caan ka ah baraha bulshada oo muddo ku dhaw laba bilood ah, halkaas ugu xirnaa sabab la xiriirta muuqaal uu duubay.

Maxkamadda waxey maanta bilaal ku riday xukun ah in muddo 48-saac ah uu uga baxo deegaanada Somaliland, waxaana laga soo musaafurin doonaa magaalada Hargeysa iyadoo lagu celin doono magaalada Muqdisho.

Bilaal Bulshaawi wuxuu ku eedeysnaa inuu u gafay Somaliland kadib markii uu maqaaxi ku taala magaalada Hargeysa ka dalbaday shaax lagu sameeyay midabka calanka Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii gabar ka tirsan bulshada Somaliland ay maamulka Somaliland ka codsatay in lasii daayo iyadoo la joogo xaflad ay lagu abaalmarinayay Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) oo ahaa duuliyihii sanadkii 1988 iska diiday inuu duqeeyo gobollada waqooyi ee Soomaliya.

Codsigaas kadib ayuu wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ballan qaaday in lasii deyn doono wiilka xiran, waxaana maanta lagu maxkamadeeyay magaalada Hargeysa.

Bilaal Bulshaawi waxaa saacadaha soo socda la filayaa in lagu soo celiyo magaalada Muqdisho oo ay ehelkiisa ku nool yahiin.

The post Maxkamadda Hargeysa oo xukun ku riday Bilal Bulshawi first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this