Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Laga Helay Cudurka COVID 19

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha wadanka Poland Andrzej Duda ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu danbeeyey ee uu haleelo cudurka Covid 19, xilli cudurkan uu toddobaadkii lasoo dhaafay kusoo laba-kacleeyey dalalka Midowga Yurub.

Madaxweyne Duda ayaa la sheegay in baadhitaan lagu sameeyey jamcihii shalay laga helay cudurka Covid 19, waxaa sidaa lagu shaaciyay warbaahinta dowlada shalay Sabtidii.

Cudurkan ayaa hore ugu dhacay qaar kamid ah Madaxda Caalamka oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Maraykanka, Raysalwasaaraha UK iyo Madaxweynaha Brazil.

Duda oo ah 48 jir ayaa hadda ku jira karantiil, balse xaaladiisa caafimaad ayaa la sheegay inay degan tahay.

Dalka Poland ayaa kamid ah wadamada Yurub ee cudurka Covid19 maalmihii lasoo dhaafay si xawli ah ugu sii faafayey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this