Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaliimo Yarey oo hal arrin ku dhaliishay madaxda maamul goboleedyada ka jira dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo ka hadleysay magacaabista xubnaha dowlad goboleedyada ku metalaya guddiyada doorashooyinka ayaa eedeyn culus u jeedisay qaar ka mid ah maamula goboleedyada.

Xaliimo Yarey oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa dhaliil xoogan u jeedisay dowlad goboleedyada qaar ee soo magacaabay xubnaha ku metalaya guddiga doorashooyinka iyo kan xalinta khilaafaadka ee heer federaal & heer dowlad goboleed.

Qoraalkeeda ayey ku sheegtay in maamullada Galmudug, Jubbaland, iyo Koonfur Galbeed  ysan wax dumar ah ku soo darin xubnihii ay soo magacaabeen.

Sidoo kale waxa ay boggaadisay dowlad goboleedka Puntland oo hal xubin oo haween ah ku soo dartay liiska xubnaha ay ku dhowaaqday.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa sheegtay in arrintan ay tahay wax laga xumaado, sidoo kalena xad-gudub ku ah mabaadi’da heshiiska hoggaamiyeyaasha.

Waxa kale oo ay ka dalbaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu wax ka qabto arrintaasi, si haweenku ay door ugu yeeshaan doorashada soo socota ee 2020/2021.

“Mudane Ra’iisul wasaare, waa wax laga xumaado, marka laga reebo Puntland, inta kale ee madaxda FM-ku ka reebtay haweenka guddiga doorashada. Tani waxay xadgudub ku tahay mabaadi’da heshiiska hoggaamiyeyaasha,” ayey tiri Xaliima Yarey.

Dhanka kale HirShabelle oo saacadihii u dambeeyey ku dhowaaqday liiska xubnaha ku metalaya guddiyadaas ayaa ku soo daray hal xubin oo gabar ah, sidaasina waxa ay HirShabelle ku noqotay maamulkii labaad ee ku soo dara haween liiska xubnaha metelaada guddiga doorashoyinka iyo kan xallinta khilaafaadka ee doorashada 2020 illaa 2021ka.

Si kastaba waxaa la filayaa saacadaha soo socda in ra’iisul wasaaraha dalka uu wareegto ku soo saaro magacyada xubnaha guddiyada ka shaqeynaya doorashada Soomaaliya.

The post Xaliimo Yarey oo hal arrin ku dhaliishay madaxda maamul goboleedyada ka jira dalka first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this