Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni oo si adag uga hadlay arrinta dekedda Boosaaso & heshiiska DP World

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay kalfadhiga 47-aad ee baarlamaanka maamulkaasi, isaga oo ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa, sida amaniga, safaradiisii ugu dambeeyey, doorashada iyo xaaladda dekedda Boosaaso.

Ugu horreyn Deni ayaa xildhibaanada baarlamaanka Puntland warbixin ka siiyey safaradiisii ugu dambeeyey iyo socdaallo uu ku tegay deegaanada maamulkaasi.

Siciid Deni ayaa sidoo kale khudbadiisa uga hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumaddiisa bilihii u dambeeyey, wuxuuna sheegay inay horumaro badan ka gaareen dhinacyada amniga, arrimaha dib u heshiisiinta & xoojinta iskaashiga maamullada dalka.

Intii uu hadal jeedinta waday madaxweynaha wuxuu soo hadal qaaday heshiiskii ay wada-gaareen Puntland iyo Galmudug, wuxuuna shaaciyey inay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan ka hortagga dagaal beeleedyada iyo colaadaha ka jira gobolka Mudug iyo sidoo kale wax ka qabashada dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka bedala.

Sidoo kale wuuxuu ku faanay madaxweyne Siciid Deni in ciidamada ammaanka ay kordhiyeen dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, islamarkaana ay fuliyeen howl-gallo lagu dilay xubno ka tirsan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in Puntland ay qorsheyneyso hir-gelinta sagaal dhig oo laga furayo magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.

Dhanka kale madaxweynaha dowlad goboleedka Puntlad ayaa ka hadlay xaaladda dekedda Boosaaso, wuxuuna sheegay inay ka billowday Qad Kunteenar oo bishii hal mar imaanayo dekeddaasi, wuxuuna shaaciyey inay qeyb tahay horumarinta dekedda Boosaaso.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la ballariyey baaxada loogu tala-galay wax soo dajinta dekeddaasi .

Isaga oo sidoo kale ka hadlayey heshiiska shirkadda Dp World lala galay 2017-kii iyo dhaliilaha loo jeedinayo ayuu sheegay inay haatan u socdaan wada-hadallo xal looga gaarayo dhibaatooyinka ka jira dekedda Boosaaso iyo walaaca ay qabaan reer Puntland.

“Dp World waxaa noo socda wada-hadallo, waxaan rabnaa in aan dekedda Boosaaso ka gaarno xal aan saameyn ku yeelan xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Puntland, dadku ha nagu kalsoonaadaan,” ayuu yiri madaxwene Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu meel gabo-gaba ah marayo dhismaha dekedda Garacad, wuxuuna tilmaamay in la ballaariyey, dhismaheeduna uu haatan mayaro meel wanaagsan.

The post Siciid Deni oo si adag uga hadlay arrinta dekedda Boosaaso & heshiiska DP World first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this