Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Xoogga oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha Hoose, waxa y ku khaarijiyeen 6 ka tirsanaa Al-Shabaab oo uu ku jiro sarkaalkii u qaabilsanaa maaliyadda gobollada Shabeellooyinka.

Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) ayaa saraakiisha ciidanka dowladda waxay sheegeen in la dilay inta uu socday howlgalka.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen inay burburiyeen goobo ay sheegeen inay Al-Shabaab ku qaadi jireen lacago iyo xarumo kale.

Ugu dambeyn saraakiisha u hadashay ciidamada Xoogga dalka ayaa tilmaamay inay soo saarin miinooyin lagu aasay waddooyin ay si aad ah u isticmaalaan dadka shacabka ah.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this