Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney Soomaali ah oo warshad Sokorta ah ka hirgelisay Uganda

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka magacaaban Mahdi Maxamed Guuleedka *Khadar” iyo Marwada Koowaad ee Dalkeena Marwo Zaynab Macallin ayaa Madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni kala qeyb galay daah furka Warshadda Sokorta oo ay dalkaasi ka hirgelisay Gabar Soomaaliyeed oo ka mid ah ganacsatada dalka Uganda.

“Aniga iyo Marwada koowaad ee dalka Marwo Zaynab Macallin ayaa Madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni kala qeyb galnay furitaanka Warshadda Sokorta soo saarta ee Atiak Sugar Factory oo ay dalkaas ka hirgalisay Aamino Xirsi Mooge oo ah gabadh Soomaaliyeed oo ganacsato ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka magacaaban ee Mahdi Maxamed Guuleed

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay garab taagantahay ganacsatada Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan.

“Dowladda Soomaaliyeed way garab taagantahay, wayna ku faaneysaa guulaha dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga, siyaasadda iyo dhinacyada kale ee nolosha, gudaha dalka iyo dibaddiisaba”.ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleedka “Khadar”.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

122529560_3769125466440396_4144118445783 122562128_3769125156440427_7276814126511 122570034_3769124503107159_6330679651362 122617910_3769125689773707_3978939827012

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this