Sign in to follow this  
Deeq A.

Cudurka Coronavirus oo ku laba kacleeyey deegaanada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka maamulka Somaliland ayaa war ka soo sartey kisas hor-leh oo maanta laga diiwaan-galiyey magalooyinka qaar ee maamulkaasi.

Cumar Cali Cabdullaahi oo ah wasiirka caafimaadka Somaliland  ayaa waxa uu sheegay in COVID-19 uu yahay mid halis ah, uuna markale kusoo laba kacleeyay maamulkaasi.

Jabuuti ayuu sheegay wasiirka caafimaadka Somaliland inay qaaday tallaabooyin hor-leh oo lagu xakameynayo isu socodka bulshada, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus.

Ugu dambeyn wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in maamulka Gobolka Awdal ay ku wareejiyeen gaari nooca gurmadka deg-dega ah iyo agabyo kale.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha uu sida daran u sameeyey cudurka safmareenka ah ee Covid-19 oo weli fara ba’an ku hayo qaar ka mid ah wadamada caalamka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this