Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo xalay XUSEEN Sandheere ku dilay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho xalay magaalada Muqdisho loogu geystay nin da’ ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka ee  ku nool degmada Dayniile.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xuseen Sheekh Muxumad (Sandheere), sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysanaa bistoolado ay ku toogteen xaafadda Kurdamac oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga la dilay Xuseen Sandheere uu Weysa-qaadanayey, islamarkaana uu ku sugnaa Garaash uu ku leeyahay degmadaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meedha ay waxa ka dhaceen, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban.

Ilo wareedyo ayaa dhanka kale sheegay inuu marxkuumka ka mid ahaa ciidamada milatariga Soomaaliyeed, balse ma jiro weli wax hadal ah oo ay saraaakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ka bixiyeen falkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

The post Kooxo hubeysan oo xalay XUSEEN Sandheere ku dilay magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this