Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti oo mudda kooban xayirtay isu-socodka Xuduudaha COVID-19 dartiis

Recommended Posts

Deeq A.   

Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaa ka dhaqangelay amar lagu joojiyay isu socodka Xuduudaha muddo 15-cisho ah, si loo xakameeyo Xannuunka Coronavirus oo kiisas horleh laga diiwaangeliyay waddankaas.

Dowladda ayaa sheegtay in ujeedka ay ka leedahay uu yahay ogaanshaha, halka uu kasoo laba-kacleeyay xannuunka Covid-19 oo kiisas cusub laga diiwaangeliyay qaybaha kamid ah Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa shacabka ugu baaqay in ay adkeystaan muddada 15-cisho ah ee laga joojiyay isu socodka xuduudaha.

Muumin ayaa sheegay in muddadaas kooban lagu qiimeynayo xawaaraha cudurka, maadaama ay kala garan la’yihiin in sababta kordhineysa ay tahay isu gudubka dadka iyo in xannuunka uu weli gudaha ku dambeeyo.

PUNTLAND POST

The post Jabuuti oo mudda kooban xayirtay isu-socodka Xuduudaha COVID-19 dartiis appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this