Sign in to follow this  
Deeq A.

DANAB oo sheegtay in ay dileen horjooge sare iyo xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Kumaandooska Danab ee dowladda Soomaaliya ayaa hawlgal qorshaysan ku dilay lix xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo uu ku jiro horjooge sare.

Hawlgalka ayaa laga fuliyay degaanno hoosyimaada degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan Shabeellada dhexe iyo Shabeellada Hoose, sida ay sheegeen Saraakiisha Danab.

Saraakiishu waxay xaqiijiyeen, in Hawlgalka lagu dilay horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda Gobollada Shabeelooyinka Cabdiraxmaan Cabdalla Abu-ayman iyo xubno kale oo weheliyay.

Sidoo kale, waxay sheegeen in hawlgalka lagu burburiyay xarumo Al-shabaab lacagta kaga qaadi jirtay dadka shacabka ah ee ku nool degaannadaas.

PUNTLAND POST

The post DANAB oo sheegtay in ay dileen horjooge sare iyo xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this