Sign in to follow this  
Deeq A.

Hindiya oo shaacisey in 33 qof muwaadiniinteeda ah lagu heysto Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Hindiya oo shaaicsey in 33 qof muwaadiniinteeda ah lagu heysto Muqdisho

 

Indian-SHAQAALE-somalia2020.jpg

Safaarada India ee Nairobi ayaa sheegtay inay ka shaqeenayso sidii xoriyadooda loo siin lahaa 33 muwaadin oo dalkaasi u dhashay oo lagu heysto magaalada Muqdisho.

Dadkan u dhashay dalka India ayaa ah shaqaale 10 bilood kahor u shaqo tagay shirkad ku taal magaalada Muqdisho oo aan weli magaceeda la shaacin, waxaana la sheegay in dadkan ay labadii bilood ee ugu horeysay si wanaagsan loola dhaqmay balse wixii intaasi ka danbeeyey aan wax mushahar ah lasiin.

MEA & our High Commission in Nairobi are working on the relief & return of 33 Indians stuck in Mogadishu,Somalia. The HC @IndiainKenya has taken up their predicament with the Somalian authorities.We are also in touch with the Somali Embassy in India. Hope for an early resolution.

— Dr. S. Jaishankar (@DrSJaishankar) October 23, 2020

Saraakiisha India ayaa sheegay inay kala xariireen arrintan dowlada Soomaaliya si dadkaasi dib loogu soo celin lahaa wadankooda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this