Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo ballaaran oo laga sameeyey magaalada Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabelle ay xalay ka sameeyeen gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgallada oo ahaa kuwa qoesheysan ayaa waxaa laga fuliyey xaafadaha Hanti wadaag, Horseed, Buula Sheekh & Kulmis.

Ujeedka baaritaanadan ayaa waxaa lagu sheegay kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka magaaladaasi oo ay dhowaan ka dhaceyso doorashada HirShabelle.

Ciidamada ayaa howlgalladooda si xoogan uga sameeyey xaafadda Hanti wadaag oo ay ku yaallaan xarunta madaxtooyada iyo xafiisyada maamulka.

Jowhar ayaa waxaa haatan ku sii qul qulaya ergooyinka doorashada, iyada oo mashquul badan laga dareemayo gudaha magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this