Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiiska QM ee Soomaaliya oo soo dhaweeyay una hambalyeeyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya Marwo Khadija Maxamed Diiriye

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xogheyaha guud ee QM Adam Abdelmoula ayaa hambalyo u diray Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’isal wasaare Maxmed Xuseen Rooble

Adam Abdelmoula oo sidoo kale ah isu’duwaha xafiiska gargaarka ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku sheegay in filayo in Wasiirka cusub uu kala shaqeeyo ka jawaabidda halisyada guud ee ay Soomaaliya wajaheyso

Wuxuu sheegay in si gaar ah xafiiska QM iyo Wasaaradda ay sare u qaadaan iskaashiga xal u helista dhibaatooyinka seddex-geesoodka ah oo ay Soomaaliya wajahayso

“Hambalyo Hon. Khadija Mohamed Dirie oo noqotay Wasiirka cusub ee Wasaaradda gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka. Waxaan rajeynayaa in aan sii xoojinno iskaashiga aan xal ugu raadineyno  culeysyada seddex geesoodka ee bani’aadannimo ee Soomaaliya, waxaan u xal raadin doonnaa culeysyadaas innaga oo qaadeynta dadaal loo dhan yahay oo xal-waara lagu raadiyo”. Ayuu qoraalkiisa ku yiri Mr. Adam Abdelmoula, Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xogheyaha guud ee QM

Soomaaliya ayaa wajaheysa culeysyo uga imanaya jihooyin seddex ah oo kala ah; ayaxa saxaraha, saameynta COVID19 iyo raadka ay ka tageen fatahaadihi dhawaa.

Iskaashiga QM iyo Dowladda Soomaaliya ayaa muhiim u ah in la isku dayo yareynta, kahortagga iyo maareynta halis-wadareedyada
Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa Marwo Khadiija Maxmed Diiriye dhawaan u soo magacaabay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this